U bood dhigaalka

Booliska Somaliland oo Xabsiga Utaxaabay Wariyaayal

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boorame ayaa sheegaya in  Ciidamada Booliiska magaalada ay goordhaw xabsiga u taxaabeen Afar Wariye .

Wariyeyaasha la xiray oo ay booliska eedeyn u jeeydiyeen ayaa kala ah :

1:  Axmed Diiriye Ciiltire

2: Xuseen Caateeye

3:Shucayb Maxamed Kaahin iyo

4: Cabdillaahi Daahir Wacays.

xarigga wariyayaasha ayaa la sheegay in uu ku yimid kadib amar kasoo baxay Saleemaan Xasan Xaadi Guddoomiyaha Magaalada Boorama .

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boraame ayaa sidoo kale sheegaya in wariyayasha xarrigooda uu yimid markii ay baahiyeen warar sheegaya in uu Baxsaday  Guddoomiyaha Magaalada Boorama sababa la xiirira Musuq Maasuq Lagu Helay .