Madaxweeynaha Koonfur Galbeed oo Gaaray Magaalada Xuddur Ee Gobalka Bakool
Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magalaada Xudur ee xarunta gobolka Bokool.
Safarka madaxweynaha ayaa waxaa uu ku aadanyahay u kuurgalka xaalado nonol xumo oo maalmihii ugu dambeeyey laga soo sheegayey magaalada oo muddo 8 bilood ah go’doon ugu jirta Al-shabaab.
Magaalada ayaa waxaa tiro dhowr jeer ah Al-shabaab ay gubeen gawaari ganacsi u siday oo ay lahaayeen ganacsato, taas oo adkaysay xaaladaha dadka ku nool magaalada Xudur ee gobolka Bokool.
Goobjoog News