U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Maxaabiis Ka Soo Qabsatay Dagaalka Beledxaawo

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal maanta illa xalay ciidama taabacsan maamulka Jubbaland iyo Ciidamada dowladda ku dhex maray Magaalada Beledxaawo Gobalka Gedo.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cismaan Dubbe oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidamada dowladda Iska caabiyeen kooxa uu ku tulmaamay Jabhad ay soo abaabushay Kenya .

Dubba ayaa sheegay in tira Maxaabiis ah oo ku dhaw 100 qof in ay ku soo qabteen dagaalka maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo.

“Waan jeclaa in halkan aan ku soo bandhigno jabka gaaray iyo maxaabiista la qabtay oo ku dhow 100, balse inaan soo bandhigno waxaa noo diidaya xeerarka caalamiga ah ee dhanka maxaabiista”.

“Ugu dambeyn falaagadii iyo ciidamada shisheeye ee la socday waxaan ugu bishaareynayaa shacabka Soomaaliyeed in laga adkaaday,”.