U bood dhigaalka

Dagaal Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab U Dhaxeeya Oo Ka Dhacay Gobalka Bay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Beydhaabo ayaa sheegay in saakay ciidamada ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Koonfur galbeed iyo xubna ka tirsan Al-shabaab, uu dagaal ku dhex maray deegaank qiyaastii 28 km banaanka ka ah magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Bay.

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii cidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed ay weerar ku qaadeen fariiso ururka alshabaab ay ku lahayeen deegaan lagu magacaabo Saaydheeloow oo  duleedka ka ah  magaalada Beydhabo .

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Goobjoog News  ayaa sheegay in meydka laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab la soo dhigay magaalada .

dhanka kale saraakiisha hogaamineysay werarka ayaa sheegtay in ay khasaaro gaarsiiyeen xubnihii fariisimaha ku lahaa deegaanka Saaydheeloow .