U bood dhigaalka

Madaxweeyne Farmaajo Oo 13 Kursi U Saxiixay Gobalka Banaadir

Sheeko:Amniga

Madaxweeynaha Soomaaliya ayaa meelmariyay qaraar cusub kaas oo dhiagay in gobalka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Aqalka sare ee dalka .

Qoraal goor dhaw ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweeyne Farmaajo uu saxiixay Qaraar ay u soo gudbiyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed”.
“Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi, ayaa lagu yiri qoraalka Ka Soo baxay Villada”.
Ansixinta Qaraarkan ayaa waxa uu ku soo adaya xilli weli ismari waa uu ka taagan yahay qabsoomidda doorashooyinka dalka.