U bood dhigaalka

Farmaajo, Yaa u Muhiimsan: Ka Adkaanta Al-shabaab Mise Jubbaland?!

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa todobaadkan dalacsiiyey qeyb ka mid ah ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo magaalada xadka ah ee Beledxaawo kula dagaalay kuwa dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Dagaalkan sokeeye ayuu guul ka sheegtay maamulka Farmaajo isaga oo dalacsiiyey dhammaan ciidankii qeybta ka ahaa.

Cali Maxamed Bogmadow oo ah taliyaha qeybta oo ka hadlayey xaflad lagu dalacsiinayey ciidamada xoogga dalka ee Balad-xaawo kula dagaalay kuwa Jubbaland ayaa waxaa uu yiri’ Arrintu uu wasiirka tibaaxay sidoo kale  waa run, dagaal baa meesha ka dhacay, haddii dagaal dhaco oo la guuleysto abaal marinbaa la sameeyaa, farriintii ay ka wadeen wasiirradu taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida isla markaana ah madaxweynaha federaalka ah ee Soomaaliya, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, waxaa la ii igmaday in aan iclaamiyo, ciidamada meesha ka dagaalamay, dhammaan ciidamada qalabka sida in la dalacsiiyo, sidaa ayaa la yeelay, aniguna sidaas ayaa ku dhawaaqay’.

Dalacsiintan kadib, waxaa ay su’aalo badan ka yimaadeen sababta uu Farmaajo u dalacsiin waayey ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Al-shabaab la dagaalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay iyo cidda u muhiimsan la dagaalanka maamulka Jubbaland ama Al-shabaab?

Ciidamada xoogga Soomaaliyeed ayaa Al-shabaab la galay dagaallo badan, kuwaas oo waalid, walaal iyo qoysba  ka tagay, qaarkoodna ku naf waayeen si ay u diifaacaan qaranka, waxaa ay sidoo kale ay kooxda qabsatay meelo badan, taas oo ay iska caabintooda ay ciidamada kala kulmeen khasaare naf iyo maal leh, isla markaana aaney jirin wax dalacsiin ah.

Dalacsiinta Farmaajo ee keliya ciidanka Beledxaawo, maxay uga dhigan tahay ciidankii sanado badan dibadda u jiifay la dagaalanka Al-shabaab, waxaan su’aashaan hordhignay Xuseen Sheekh Cali oo ah madaxa machadka ka faalooda arrimaha amniga ee Hiraal,  isaga oo ka jawaabaya waxaa uu yiri ‘Arrintan Beledxaawo iyo dalacsiinta dhacday qalad ayey aheyd,  hawgalka la siyaasadeeyo, loona adeegsado dano gaar ah oo weliba taas la dhiirigeliyo halka kuwa xeryaha loogu dhacana aan la daryeelin waxay jabineysaa moral-ka ciidanka xoogga dalka iyo niyadooda’.

Haddaba, halkan hoose waxaad ku soo koobnay tiro dagaallo ah oo ay ciidamada xoogga dalka la galeen Al-shabaab intii uu joogay Farmaajo, naf badanna ku baxday, laakin aan la dalacsiin.

Jubbaland:

Xilli madaxweyne Farmaajo uu dalacsiiyey ciidamada xoogga dalka ee la dagaalay kuwa Jubbaland ayaan la dalacsiin ciidamada xoogga dalka ee isla Gedo iyo goobo kale oo Jubbaland ku sugnaa muddada dheer, kuwaas oo sanado badan dagaal kula jiray Al-shabaab.

Inta uu Farmaajo joogay, waxaa ay ciidamada xoogga iyo kuwa Al-shabaab ku dagaaleen meelo badan oo Jubbaland sida Baardheere, Hoosingow, Bilis Qooqani, Jannaay Cabdalle , xerooyinka Dhoobley iyo Afmadow iyo goobo kale, intaba ciidamada xoogga dalka lama dalacsiin.

Koonfur Galbeed:

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Koonfur galbeed waxaa ay galeen dagaallo badan oo ka dhan ah Al-shabaab, waxaa in badan lagu soo weeraray xeryo saldhig u ahaa, waxaana soo gaaray khasaare badan.

Meelaha ay ciidanka xoogga dalka iyo kooxda Al-shabaab ku dagaaleen waxaa ka mid ah Jannaale, Bariirre, Caanoole, Sabiib, Aw-dhiigle, Kortaroolka Ceelow Geedow, Leego,  Goofgaduud, Shabeelow, Deynuunaay, Makuujo, Xudur iyo Waajid, intaas oo dagaal khasaare geystay ama iska caabin ah kadib, lama dalacsiin.

Hirshabeelle:

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Hirshabelle waxay iyagana dagaallo fool-ka-fool ah la galeen Al-shabaab, waxayna iska caabiyeen marar badan oo xeryaha loogu yimid.

Meelaha dagaalka culus ka dhacay inta uu Farmaajo joogay waxaa ka mid ahaa  Hiil-weyne, Xaaji Cali-Cadalle, Xawaadley, Maandheere, Deniga baalow, Raago-ceelle, Saldhigga degmada Jalalaqsi, Farlibaax, Baladweyn iyo meelo kale, dagaalladaas cidna laguma dalacsiin.

Galmudug

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Galmudug waxaa ay ka mid yihiin ciidamada khasaaraha badan ay kasoo gaareen ladagaalanka Al-shabaab, goobaha ay foodda isku dareen waxaa ka mid ah Bacaadweyn, Shabeelow, Camaara, Dhagaxyaale,  Labo dulle iyo Gusar, Bulacle iyo meelo kale, lama dalacsiin.

Xataa Puntland oo ka tirsan federaalka ah waxa ay kooxo kala duwan oo Islaamiyiin ah kula dagaashay Afurur , Maraaja, Qandala iyo goobo kale, cidna lama dalacsiin.

Goobjoog News