U bood dhigaalka

Dowladaha Masar iyo Suudaan Oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac

Sheeko:Amniga

Xukuumadaha  Cairo iyo Khartoum ayaa  Talaadadii shalay kala saxeexday heshiis iskaashi oo difaac ah, iyagoo u diray Itoobiya digniin culus oo ku saabsan muranka xadka Wabiga ee kala dhexeeya Khartoum iyo wadahadallada dhismaha Addis Ababa ee biyo xireenka weyn ee wabiga  Niil.

Heshiiska  Khartoum ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli labada dal militerigooda uu muddooyinkii u danbeyay xirriirkooda uu wanaagsana mas’uuliyiinta labada dhinacna aysameynayeen booqashooyin Heer Caalami ah .

Saxiixaya ayaana yimid kadib  markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Suudaan Mariam Al Mahdi ay la kulantay dhigeeda Masar magaalada Qaahira Talaadadii isbuucaa, waxa ayna labada dhinac ay ku eedeeyeen Itoobiya wada hadaladii istaagay ee mashruuca biyo xireenka waxayna ku boorinayeen in la keeno dhinacyo caalami ah wadahadalada si horumar loo gaaro.

Ms Al Sadeq, oo la kulantay Madaxweyne Abdel Fatah El Sisi bartamihii isbuucaan , waxay sheegtay in hogaamiyaha reer Masar uu qorsheynayo inuu booqasho ku tago Sudan maalmo gudahood.

Taageerada Qaahira ee Suudaan ayaa waxa ay noqoneysa  mid waxtar u leh militariga Suudaan, oo ku lug lahaa tacadiyado taxanayaal oo ka dhacay  xadka Itoobiya.

“Waxaan uga mahadcelineynaa walaalaheena ciidamada qalabka sida ee Masar hadafyadooda wanaagsan, kaalmada deeqsinimada leh iyo taageerada xoogan ee ay ka bixinayaan dhibaatooyinka jira,” ayuu yiri madaxa shaqaalaha Sudan General Mohamed Othman Al Hussein oo ka hadlayey xaflada saxiixa.