U bood dhigaalka

Dibad baxyadii ugu Cuslaa Oo Ka Socda Myanmar Tan iyo Afgambigiib Bishii Hore Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Dibadbaxayaal careysan ayaa buux dhaafiyay wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee Myanmar kuwaas oo diiday Afgambiga ciidamada wadankaasi ay ku rideen xukuumaddii rayidka ,

Ururrada u Dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda Myanmar ayaa muddo bil ah wada banaanbax aad u balaaran kaas oo looga soo horjeedo xukunka militariga maalin kadib markii 38 qof lagu dilay maalintii ugu rabshadaha badneyd tan iyo afgambigii bishii hore.

Booliska ayaa banaanbaxayaasha ku furay rasaas si ay u kala jabiyaan mudaharaad ka dhacay magaalada Pathein, galbeedka Yangon, subaxnimadii Khamiista, sida ay warisay warbaahinta dalkaas.

Kooxa hor kacaya Isusoobaxyada ayaa sheegay in Khatarta walba oo jirta ay sii wadi doonaan sidii ay cadaaladda ku heli lahaayeen, ayna ka go’an tahay inay culeys saaraan siideynta hogaamiyaha la doortay ee dowlada Aung San Suu Kyi iyo aqoonsiga guusheeda doorashada bishii Nofeembar.

“Waan ognahay inaan markasta toogan karno oo nalagu dili karo xabad nool laakiin macno malahan inaan noolaano inta ka hoosaysa ciidamada militariga,” dhaqdhaqaaqa Maung Saungkha ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.

Qeybo ka mid ah Yangon, dibadbaxayaashu waxay sudheen go’yaal iyo sabarro iyagoo galay safaf dheer is hor istaagna ku sameeyay Ciidamada Afgambiga Sameyay .

Mudaharaadayaashu waxay wadooyinka ku xireen taayiro ay ka mid yihiin taayiro duug ah, lebenno, jawaanno ciid ah, bamboo iyo silig adag.