U bood dhigaalka

Shaki Laga Muujinaayo Baaqashada Shirka Rooble iyo Musharixiinta

Sheeko:Amniga

Waxaa isa soo taraya shaki weyn oo laga muujinayo in uu baaqdo shirkii maanta ay u madalsanaayeen Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midawga Musharixiinta .

Illa ku dhaw shirka oo la hadlay GoobJoog News  ayaa sheegaya in Rooble lagu cadaadinayo ka baaqashada shirka .

Shirkan oo noqonaya midkii Seddaxaad oo ay yeeshaan labada dhinac ayaa lagu waday in looga hadlo ka qeyb galka matalayaasha Midawga musharixiinta iyo Saamileyda kale ee siyaasadda ee ka qeyb galaan shirka Doorashada ee Farmaajo iyo Madaxda maamul Gobaleedyada .

Waxaa xusid mudan in uu maanta Fashilmo shirka ay yeelan lahaayeen Midawga Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble .