U bood dhigaalka

Maxeey Ahaayeen Qodobadii Muranka Dhaliyay ee Shirka Midawga iyo Rooble

Sheeko:Amniga

Kadib fashilkii ku yimid shirkii Xubnaha Midawga Musharixiinta iyo Rooble waxaa soo baxayo in qodobo dhowr ah kuwaas oo sabab u noqday in shirka lagu kala tago.

Qodobada doodda dhaliyay ee Midawga Musharixiinta ay Hordhigeen xukuumadda waxaa ka mid ah:-

1- In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2- Si loogu kalsoonaado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3- In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka.