U bood dhigaalka

Deni Oo Illaaladii Ugu Badneyd Muqdisho Keensaday

Maarso 13, 2021

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka soo dagay diyaarad siday Illaalada gaarka ah ee madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Puntland .

Ilaalada madaxweeynaha oo ku hubeysan Hubka noocyadiisa Culus ayaa ka soo dagay garoonka xilli lagu wado in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalad Muqdisho Madaxweeynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni .

Deni ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka oo maalmaha soo socda Muqdisho ka furmi doona .

Sawirada Illaalada Deni