U bood dhigaalka

Wasiirkii Hore Ee Difaaca Soomaaliya Oo Geeriyooday

Sheeko:War

Allaah u naxariisto waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wasiirkii hore ee difaacca Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr  .

Cali-Bayr ayaa wasiirkii gaashaan dhigga ka noqday xukuu madii uu soo magacaabay Ra’isul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi sannadkii 2004.

General Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr  wuxuu jagooyin kala duwan ka soo qabtay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sida taliyihii qeybta 60-aad ee Baydhabo, madaxa hawlgelinta Ciidanka Qaranaka, milatari ataajeega Soomaaliya ee Ciraaq iyo Mareykanka, madaxa Xidhiidhka Arrimaha Dibeda ee Wasaarada Gaashaandhiga.

Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr ayaa sanadkii 1935-ti ku dhashay magaaladda Laas Qoray ee  Gobolka Sanaag sanadkii.

Wuxuu waxbarashadiisa dhanka ciidanimada ku soo qaatay dalal ay ka mid yihiin  Masar iyo dawladii hore ee Midowga Soofiyeetka (dalka Ruushka) oo laba jeer waxbarasho militari loogu diray.

Mawduucyada:Gobollada