U bood dhigaalka

Muqdisho: Weriye Goobjoog Ka Tirsan oo ay Dhaawaceen Askarta Dowladda Federaalka

Sheeko:Amniga

Sharma’arke Cabdinuur Weheliye oo ahaa Cameraman ka tirsan warbaahinta Goobjoog ayaa ayaa waxaa xalay fiidkii dhaawac  u geystay askar ku sugneyd isgoyska Siinaay ee waqooyiga Muqdisho.

Sharma’rke oo xabad ka dhex martay caloosha qeybta micnicirka iyo gacan ayaa lagu daaweynayaa mid ka mid isbitaallada Muqdisho, waxaa uuna maray qaliiin halka askartii geysatay ay baxsadeen.

Hanad Cali Guuleed oo ah Tifaftiraha Goobjoog TV ayaa sheegay in  Sharma’arke ay caloosha uga dhacday xabaddda isaga intaa raciyey “Weriyaha isaga oo shaqada ka baxay, oo gurigiisa u socda ayaa xabadda lagu dhuftay, waxaa uu marayey Isgoyska Siinaay ,waxaa ku dhufatay askar ka tirsan kuwa Dowladda federaalka ah”.

Deeqa Cabdinuur oo ah sharma’arke walaashii ah oo ka war bixisay xaaladdiisa ayaa waxaa ay leedahay “ Waxaan ka walaacsanahay xaaladda walaalkey, waxaa uu ku dhaawacmay rasaas ay fureeen askarta dowladda, raggii dhibka geystay lama haayo weli, waxaan dalbaneynaa inaan helno cadaalad”.

Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in Goobjoog ay ka xun tahay dhaawaca soo gaaray weriyaheeda, isaga oo u rajeeyey inuu degdeg u bogsoodo, waxaa uuna balanqaaday iney ku dadaali doonaan sidii uu Sharma’arke ku heli lahaa cadaaladda.

Goobjoog News