U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Cunaqabateyn Saaraya Eritrea iyo Asmara oo Akhlaaq Darro ugu Yeertay

Sheeko:Amniga

Golaha wasiirrada midowga Yurub ayaa isniintii meelmariyey qaraar lagu cunaqabateynayo dalka Eritrea sababo la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ay ka wadaan waqooyiga dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii Midowga Yurub iyo Mareykanka ay Eritrea ka dalbadeen iney ciidankeeda kala baxdo gobolka Tigeyga ee waqooyiga Itoobiya taasi oo ay Asmara ka dhago adeegtay.

Dhanka kale xukuumadda Asmara oo ka hadashay go’aanka midowga Yurub ayaa sheegtay in uu yahay mid aan sal iyo raad toonna laheyn isla markaana ay diidayaan qaraarka xad-gudubka ah.

Eritrea waxaa ay sheegeysaa in midowga Yurub aanu sharciyad u heysan waxa uu sameeyey, go’aankana uu yahay mid lagu dhibaateynayo Itoobiya.

Goobjoog News