U bood dhigaalka

Hoobiyeyaal Lagu Tuuray Xalane iyo Qoys Soomaali ah oo Dad uga Dhinteen

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan labo qof ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen hoobiyeyaal saaka lagu garaacay xerada Xalane iyo aagga garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde.

Mid ka mid ah hoobiyeyaasha oo ku dhacay guri u dhow xerada oo dad shacab deganaayeen ayaa lagu waramayaa in waxyeello kasoo gaartay dadkii deganaa.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay halka ilaa shan kale la leeyahay waa a ku dhaawacmeen, intaba waxaa la leeyahay waa hal qoys.

Ma jirto warar rasmiga oo sheegaya inta hoobiye ee lagu tuuray xerada iyo khasaaraha ka dhashay, laakin waxaa xerada qeybo ka mid ah ka socda shirar ay leeyihiin dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

Goobjoog News