U bood dhigaalka

Akhriso: Shir Muqdisho Uga Socda Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dalka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw shir uga furmay magaalada Muqdisho madaxda dowladda gobaleedyada dalka, kaas oo looga arinsanayo khilaafadka ku hor gudban arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweeynayaasha Puntland , Jubbaland , Galmudug , Hirshabeelle iyo Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa kulankan waxaa sidoo kale looga hadlaya sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Maamulada Jubbaland iyo Puntland kala dhaxeya Dowladda Federaalka.

Shirkan oo warbaahintu ay dibad joog ka tahay ayaa sidoo kale la rajeynaya in uu gogol xaar u noqdo shir weyne wadatashi oo Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad gobaleedyada dalka .