U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Ka Soo Kordhay Doorashooyinka Jabuti

Sheeko:Amniga

Waxaa deeganada dalka Jabuti ka socda diyaar garowga ololaha doorashada Madaxtinimo ee dalkaasi Jabuti, iyadoo la filayo in si rasmi ah doorashada 9-ka April ay u dhacdo doorashada .

Madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday Ismaacil Cumaar Geelle iyo Musharaxa kaliya ee la tartamayo ayaa ku jiro ololahooda doorashada xilliyadiisii ugu dambeyay .

 

Musharaxa Midowga ee aqlabiyadda madaxweynaha (UMP, isbahaysiga talada haya) ayaa kulankiisii ​​ugu horreeyay ee ugu weynaa ku yeeshay magaalada Tadjourah.

Markii uu yimid goobta isaga oo ay wehliyaan hogaamiyaasha xisbiyada kala duwan ee ka kooban UMP, madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu soo dhaweyn balaaran ka helay dhowr kun oo ka mid ah taageerayaashiisa.

Doorashadan ayaa noqoneysa middii Lixaad ee madaxweynanimo ee ka dhacda dalka Jabuti iyadoo madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Ismaacil Cumar Geelle uu doonayo in markiisii shanaad loo dhaariyo kursiga Madaxweynaha Jabuti.

Djbauti ayaa tan iyo markii 1977 xornimada ka qaadatay Gumeystaha Faransiiska waxa ay yeelatay Laba madaxweyne .

Zakaria Ismaïl Farah, oo ah ganacsade ayaa sanadkan kula tartamaya kursiga Ismaacil Cumar Geelle oo tan iyo 1999 hayay xilkaas.

 

 

“Dalku wuxuu ubaahanyahay isbadal,” ayuu yiri, Zakariye  isagoo cambaareeyay “qiimaha maciishada sare” wuxuuna balanqaaday abuuritaanka “nidaamka kaalmada bulshada ee dhalinyarada shaqo la’aanta iyo waayeelka”.

Illaa iyo hadda 200,000, oo cod cod-bixiyeyaal reer Jabuuti ayaa la diiwaan geliyay , si ay u codeeyaan doorashada laba todobaad kadib .

GoobJoog