U bood dhigaalka

Warbixin: Maamul Goboleedyada oo Farmaajo Kala Wareegay Hoggaanka Doorashada

Sheeko:Amniga

Maamul goboleedyada federaalka ah ee shanka ah oo maalmahan fadhiyo aan kala kac laheyn ku lahaa xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka muuqato isu soo dhowaanshiyo  iyo iney ka heshiiyeen qodobbo xasaasi ahaa, iyaga oo hoggaanka doorashada kala wareegay Farmaajo iyo maamulkiisa kuna dhow iney ku dhawaaqaan waqtiga uu furmayo kulanka lagu saxiixayo wareeggii ugu dambeeyey ee arrimaha doorashada 2021.

Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ka gudbay caqabado badan oo Villa Somalia ay hordhigtay heshiiskii September 17 iyo hannaan kasta oo lagu dhabar jabinayo guud ahaan doorashada. Arrintan ayaa timid kadib markii uu marar badan fashilmeen kulamo badan oo Farmaajo uu isugu yeeray qabashooda, laguna hungoobay.

Wada Hadallada Fashilmay:

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynihii hore waxaa uu isku dayey dhowr jeer inuu isku keeno maamul gobleedyada oo ay ku jirto markii lixaad inuu shir ugu baaqay bishan dhexdeeda, kuwaan oo dhammaan guuldareystay halka Puntland iyo Jubbaland oo ah labada maamul ee kulankiisa diiday ay Xalane gudahiisa kulammo joogta ah kula yeesheen saamileyda siyaasadda iyo beesha caalamka, waxaa ayna dhiseen madasha badbaado qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland,  Jubbaland, guddoonka aqalka sare iyo xataa 15 musharax.

Iyada oo  Farmaajo keligii uu Afisyooni kula shiro saddex maamul ee taageersan ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo gobolka Banaadir, ayna wax dhaqaajin la’yihiin oo weliba aaney isku fiicneyn maamulladaas la jooga  iyo Puntland iyo Jubbaland ayaa xubno ka tirsan mucaaradka waxaa ay ka shaqeeyeen isu soo dhowaanshiyaha maamul goboleedyada Farmaajo iyo Puntland iyo Jubbaland, tiiyo miro dhal noqotay, ayna ka dhasheen is aragga maamul goboleedyada keligood faraj cusub oo xagga doorashada ah.

Axaddii, maamul goboleedyada oo wada jira ayaa arkay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo ay la socdaan matalayaasha Somamaliland, waxaa kale ay si gaar ah u arkeen midowga musharaxiinta kadibna maamulladii la ologga ahaa Villa Somalia ayaa xalay warbixin siiyey Farmaajo iyo kooxdiisa.

Maamul Goboleedyada oo Qoraya Ajendaha Shirka

Ilo ku dhow maamul goboleedyada ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inuu jiro isu soo dhowaanshiyo dhinacyada ah iyo laga gudbay khilaafaadkii jiray ayna maamul goboleedyada hadda jaan goynayaan ajendaha shirka Afisyooni, taasi oo ka dhigan in laga gudbay mayal adeeygii Farmaajo ee ku dheganaa in aan la furin heshiiskii September 17.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo wakiillo ka ah midowga musharaxiinta iyo Somaliland ama waxa loogu yeero madasha badbaado qaran ayaa ku guuleystay in maamul goboleedyada kale kula heshiiyaan in la furo heshiiskii September 17, oo lagu dul shaqeeyo, laguna daro arrimo ay ka mid yihiin muddo xileedka Farmaajo, muddo kordhin la’aan, amniga doorashada iyo guud ahaan arrimo muhiim ah kala-guurka.

Goobjoog News