U bood dhigaalka

Rooble Oo Beesha Caalamka Kula Hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka

Sheeko:Amniga

Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda kulamada looga hadlayo Khilaafaadka  Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul wasaarahaha dalka ayaa Xalay kulan Xubnaha beesha Beesha caalamka kula qaatay Xafiiskiisa.

Kulanka oo Rooble ay ku wehlinayeen Ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Afhayeenka Xukuumadda iyo xubna ka tirsan Wasiirada.

Shirka oo saacada badan qaatay ayaa looga hadlayay sidii Beesha Caalamka iyo xukuumadda ay qeyb uga noqon lahaayeen wada hadalada la isugu geynayo madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka.

Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii u dambeyay dhex dhexaadin ka dhex waday siyaasiyiinta Soomaalida oo isku fahmi waayay Doorashooyinka dalka .