U bood dhigaalka

Amnesty International oo Qoraal Ka Sameysay Xariggii Tifaftiraha Goobjoog Cabdicasis Gurbiye

Amnesty International oo qoraal gaar ka soo saartay xaaladda Soomaaliya ayaa xoogga saartay caburinta ay la kulantay saxaafadda Soomaaliya 2020-kii iyada oo soo qaadatay kiisas ay ka mid ahaan tifaftiraha guud ee Goobjoog ahna agaasime ku xigeenkeeda Cabdicasis Gurbiye iyo cabsigelinta weriyaha rugcadaaga ah ee VOA Haaruun Macruuf.

Amnesty International, waxaa ay xustay in Weriye Cabdicasis Gurbiye uu ku dhiiraday la xisaabtanka xukuumadda federaalka ah isaga oo daaha ka qaaday sida ay uga gaabisay Covid 19, waxaa kale oo warbixinta ku jirtay qoraallo Facebook ah uu ka sameeyey ventilator uu sheegay in madaxweynaha uu qaatay.

Amnesty International ayaa qortay “Isla April, waxaa ay booliiska xireen Cabdicasis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha Goobjoog iyo agaasime ku xigeen, waxaa loo xiray qoraal uu Facebook dhigay uu uga hadlay maamul xumada xukuumadda ee COVID 19 iyo madaxweynaha oo qaatay ventilator loogu deeqay Isbitaal, xariga kadib 19-kii Julay ayey maxakamadda gobolka Banaadir Gurbiye ku xukuntay 6 bil.

Warbixinta Amnesty International  waxaa lagu xusay in NISA ay isku deyday cabsi gelinta Haaruun Macruuf oo ah weriye rug cadaa ah, kana hawlgala VOA, waxayna tiri “2 April, Waxaa NISA handadaad Twitter ugu geysatay weriyaha VOA Haaruun Macruuf iyada oo lagu eedeeyey inuu khatar ku yahay qaranka, 23 April,  waxay sheegtay in kiiskiisa loo gudbiyey xeer ilaaliyaha.

Weriyeyaasha kale oo warbixinta ka hadashay waxaa ka mid ah Cabdiweli Cali Xasan oo ah Joursanlist madaxbannaan ayaa lagu dilay Afooye February, iyada oo  May, Saciid Yuusuf Cali oo  Kalsan TV lagu dilay Muqdisho.

March, Maxamed Cabdiwahab Abuuja oo tifaftire ka ahaa Hiigsi ayaa sharci darro loogu xirau xabsi ay maamusho NISA, marba meel sida loogu xerayey, waxaa maxkamad ciidan la saaray ay dambi ku weysay August.

Goobjoog News