U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliska Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Hodan gaar ahaan Saybiyaano ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska .

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Mahad Ali Cilmi (Mahad Dolar ) ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed .

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in sarkaal uu ahaa mid magac ku leh Agagaarka Saybiyaanoo illa Ex-control Afgooye .

Dilka Taliyaha ayaa la sheegay in ay ka dambeeyen Kooxo bistoolado ku hubeysan kuwaas oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.