U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Farmaajo Laba Sano Ugu Daray

Abriil 12, 2021

Golaha Shacab oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyay Qaraarka cusub ee doorashooyinka .

Qaraarkan ayaa dhigaya in dalka laga qabto doorasho Qof iyo Cod ah , iyadoo muddo laba sano ah loogu daray hay’adaha Dowladda si dalka doorashadaas uga qabtaan .

Inta badan xildhibaanada ayaa cod Aqlabiyad ah ugu gacan taagay , iyadoo in ka badan 140 Mudane ay ansixiyeen Xeerka .

Doorashooyinka ay baarlamaanka meel mariyeen ayaa waxa Qaban doona Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka dalka .