U bood dhigaalka

Kadib Codbixintooda, Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro oo Ka Hadlay Ahmiyadda Doorashada

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga WADANI ayaa saaka ka qeyb galay doorashooyinka isku sidkan ee golaha deegaanka iyo baarlamaanka .

Muuse Biixi oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu codkiisa soo dhiibtay ayaa sheegay in ay doorashooyinka u socdan si habsami leh, loona baahan yahay dadweynaha in ay ka qeyb qaatan .

“Nabad ku codeeya waa laba doorasho oo  muhiim ah, aad bey adduunyadu inoo soo eegeysaa saaka hadaad daawateen idaacadaha waaweyn ee adduunkoo dhammi waxey ku soo jeedaan Somaliland, xil baa ina saaran nabad galyo iyo nidaam iyo wanaag ku codeeya “.

Dhanka kale guddoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxman Cabdillaahi Ciro ayaa sheegay in uu codkiisa ku biiriyay musharixiinti uu taagersanaa .

“Waxaan maanta ku faraxsanahay in aan doorashadii isku sidkaneyd ee golaha wakiilada iyo golaha deegaanka si xor ah aan ugu codeeyay labadii musharax ee aan ka doortay musharixiinta jamhuuriyadda Somaliland”.

Ciro ayaa sidoo kale ugu baaqay in ay shacabka yimaadaan goobaha codbixinta codkoodana ay dhiibtaan .

“Shacabka Somaliland waxaan leeyahay arrintaan guul weyn bey u tahay somaliland qof walbood codkaada ku codee , muwaadin codkaada ku codee hala seexan “

552 musharax ayaa u tartamaya doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland halka 246 Musharax ay u taagan yihiin qabashada golaha wakiilada Somaliland .

Sikastab doorashooyinka golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ugu dambeysay in ay dhacaan Sep, 2005, markaas oo la doortay baarlamaanka maanta la badalayo, halka golaha deegaanka Somaliland ay doorasho ugu dambeysay Nov, 2012.

Goobjoog News