Maayarkii hore ee magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in uu musharax Cabdikarin Axmed Mooge uga tanaasulay xilka maayarnimada magaalad Hargeysa .
Saltelco ayaa sheegay in kadib soo jeedin uga timid madaxweynaha Somaliland uu musharaxnimadiisa xilka maayarnimada Caasimadda Hargeysa uga tanaasulay musharax Mooge .
Cabdikarin Axmed Mooge ayaa ka mid ah musharixiintii ku soo baxday doorashada golaha deegaanka Hargeyso ee sanadkan, isgoo markaan u taagan qabashada xilka maayarka hargeysa .
Mooge oo sidoo kale ka tirsan xisbiga mucaaradka ee WADANI ayaa noqday musharixii ugu codka badnaa dooshada golaha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland.
Cabdikariin ayaan helay codod kor u dhaafaya 26,000 oo cod kuwaas oo ay shacabka magaalada hargeysa ugu coodeyen.
17-ka bishaan ayaa lagu wadaa in xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa ay yeeshaan kulankoodii ugu horeyay, iyagoo kulanka sidoo kale ku dooran doona Mayaarka Hargeysa iyo ku-xigeenkiisa .
Mooge ayaan markaan wajaheynin tartan culus oo ku aaddan xilka maayarka, iyadoo ay inta badan musharixiintii la tartameysay ay isaga hareen tartanka .
Dhanka kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in isaga oo tixgelinaya codka shacabka uu Cabdikariin Mooge kala shaqeyn doono in loo doorto maayarka Hargeysa .
Cabdikariin Axmed Mooge ayaa waxaa dhalay fanaankii weynee ee Axmed Mooge Liibaan oo ka mid ahaa fanaaniinta ugu magaca dheer dhulka Soomaalida .
GoobJoog News