U bood dhigaalka

Weriye Hanad Cali Guuleed oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Hanad Cali Guuleed, tifaftiraha TV-ga Goobjoog ayey xalay koox tuugaha ku dhaawaceen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Guuleed ayaa garabka bidix looga dhuftay toorey, waxaa loo geytay jir-dil ka hor inta aan laga qaadan labo Telefan agagaarka Siligga Mareykanka ee degmada Wadajir, caasimadda Muqdisho.

Weriye Hana doo hadda xaaladiisa ay soo roonaaneyso ayaa lagu dhabiibay isbitaalka Kalkaal, waxayna dhakhaatiirta sheegeen inuu fudud yahay, oo uu guriga ku dhameysan karo daawada.

“Hadda xanuun ayaa dareemayaa, laakin waxa i gaaray waa dhaawac fudud, ilaah ayaa mahad leh” ayuu yiri Hanad Guuleed oo la hadlay Goobjoog News

Tuugada dhaca geysata ayaa kusoo badatay caasimadda Muqdisho iyaga oo aaney xaafadaha joojin wax askar ah ama ilaalo deegaan oo arrinkan wax ka qaban kara.

Goobjoog News