U bood dhigaalka

Isreal Oo Markale Weerartay Marinka Qaza

Sheeko:Amniga

Ciidamada Isreal ayaa markale weerar ku qaaday marinka Qaza, halkaas oo ay diyaaradaha yahuudda ka fuliyeen duqeymo.

xukuumadda Tel Aviv ayaa sheegtay in ay tira gantaalla ah ay ku dhufatay warshad ay sheegen in lagu sameeyo hubka ay la hayeen ururka Xamaas ee difaacaya dhulka barakeysan.

Bayaan ay soo saareen Yahuudda ayeey ku sheegen in bartilmaameedkoodu uu ahaa goobaha ay Xamaas saldhigyada ku leedahay.

“Duqeyntu waxay ahayd mid jawaab u ah buufinta dabka lagu shiday dhulka Israel. IDF waxay sii wadi doontaa inay si adag uga jawaab celiso isku dayga argaggixiso ee ka imanaya Marinka Gaza, ”ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidamada Yahuudda.

Dhanka kale Xamaas ayaa sheegtay in weerarka Isreal ay ka fulisay marin uusan jirin wax khasaaro ah oo dhankooda ka soo gaaray.

Intii u dhaxeysay habeenkii Khamiista iyo aroortii hore ee Jimcaha, diyaaradaha dagaalka Israa’iil waxay duqeeyeen warshad hubka Xamaas ku leedahay Gaza.

Sikastaba dhawaan ayeey aheyd markii ay xabad joojin ka dhaqan gashay marinka Qaza, kadib dagaallo qaraar oo dhex maray Yahuudda iyo Muslimiinta.

Goobjoog News