U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Ka Hadlay Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Gobalka Mudug

Sheeko:Amniga

Wasiirka amniga dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay dil xalay fiidkii kooxa hubeysan ay dad shacab ah ugu geeysteen deegaan hoostaga degmada Galdogob oo ka tirsan gobalka Mudug.

Fiqi ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado dad shacab ah in la dilo isagoo yiri “Waxaan ka tacsiyadaynayaa Isla markaana cambaaraynayaa dilka ka dhacay shalay galab deegaanka u dhexeeya Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka gobolka Mudug ee lagu beegsaday dad xoolo dhaqato ah ayna ku dhinteen 2 qofood, laguna dhaawacay qof kale”.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray in baaritaanno la sameynayo gacantana ay ku soo dhigi doonan kooxihi weerarkaas ka dambeyay.

“Waa fidno cusub oo xasiloonida deegaanka iyo wada noolaasha dadka deriska leh lagu Qalaad-gelinayo, waxaan ku baaqaynaa in kooxdii danbigaas geysatay sharciga la horkeeno, baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo argagixisada Shabaab”, ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.
Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka tacsiyadeynayaan dilka ka dhacay deeganka Dhagxanya-cadde oo hoostaga degmada Galdogob.
“Eheladii iyo qaraabadii dhibbanayaashaas waxaan leenahay sabir iyo iimaan Allaha idinka siiyo”, ayuu yiri wasiir Fiqi.
Goobjoog News