U bood dhigaalka

Weerar Dad Shacab Ah Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Deegaan Hoostaga Gobalka Mudug

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Galdogob oo hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in kooxa hubeysan ay xalay dad shacab ah ku dileen deegaan lagu magacaabo Dhagxanya-cadde oo hoostaga Galdogob.

Weerarkan ay soo qaadeen koox aan heybtooda la aqoon ayaa la sheegay in ay ku dhinteen  laba nin oo la sheegay in xoola dhaqato ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka Dhagxanya-cadde.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku sugnayeen hooygooda xilliga weerarka lagu soo qaaday.

Dilka ayaa sidoo kale la sheegay in uu ku lug leeyahay aanooyin qabiil oo muddooyinkii la soo dhaafay ka jiray deegaanka.

Sikastaba deeganada hoostaga gobalka Mudug ayaa la sheegay in muddooyinkii u dambeyay ay ka dhacayeen dilal noocan oo kale ah oo ku saleysan aanooyin qabiil.

Goobjoog News