U bood dhigaalka

Jubbaland: Codbixinta Doorashada Aqalka Sare Oo Goordhaw Bilaaban Doonta

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelka maamulka Jubbaland saaka oo khamiis ah ka bilaabatay doorashada Aqalka sare ee dalka.

Guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland oo muddooyinkii u dambeyay ku jiray diyaar garowga doorashada ayaa saaka bilaabay doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa goordhaw soo gabagabeyay dhageysiga khudbadaha musharixiinta Aqalka sare ka soo galaya Jubbaland.

Goordhaw ayaa lagu wadaa in ay bilabaato bixinta codadka musharixiinta, xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku jira diyaar garowga bixinta codadka.

Goobjoog News