U bood dhigaalka

Laba Kursi Oo Ka Tirsan Aqalka Sare Hirshabeelle Oo Maanta Jowhar Lagu Dooranayo

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta maagalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu wadaa in ay ka qabsoomto doorashada laba  kursi oo qeyb ka ah doorashada kuraasta Aqalka sare.

Doorashadaan oo soo bilaabmatay Talaadadii la soo dhaafay ayaa la dooranaya illaa iyo 8- kursi oo Hirshabeelle Aqalka sare ay ku leedahay.

Labada Kursi ee maanta oo Sabti a lagu wado in lagu doorto Jowhar ayaa waxaa ku wada tartamaya Musharixiinta kala ah :-

  1. Cali Shacbaan Ibraahim,
  2. 2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir,
  3. 3. Cabdullahi Axmed Tawaad,
  4. 4. Caasho Xuseen Abuukar,
  5. 5. Cabdalle Cabdi Xuseen

Kursiga labaad :

  1. Xasan lidow Muxumed Kobac,
  2. 2. Cusmaan Axmed Macow,
  3. 3. Cabdinuur Ibraahim Nuur.