U bood dhigaalka

Ganacsiyada Wajeer Oo Saaka Xiran

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka xiran dhamaan goobaha ganacsiga ee magaalada Wajeer ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya, kadib cabasho ay shacabka ka muujiyen ciidamada booliiska Magalaada.

Ganacsatada ayaa sheegay in maalmihi la soo dhaafay ay ciidamada Booliiska magaalada ay gubeen dhowr ganacsi oo suuqa weyn ee magaalada ku yaalay iyagoo sidoo kale sheegay in ay ciidamadu qaateen qaar ka mid ah hantida shacabka.

Dadka ku dhaqan magaalada ayaa sheegay in ganacsiga guud ee magaalada uu sidaan u sii xirnaan doono illa maamulka magaalada ay wax ka qabtaan ciidamada.

Xirnaashaha suuqa ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaqaalaha maagalada, xilli maamulka Wajeer aysan weli bilaabin in ay xaliyaan cabashada shacabka.

Goobjoog News