U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta Oo Farmaajo iyo Fahad Ku Eedeyay In Ay Wadaan Abaabul Ciidan

Sheeko:Amniga

Golaha midawga musharixiinta ayaa bayaan ay ka soo saareen khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha Mudda xileedkiisa dhamaaday iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Midawga ayaa sheegay in ay ra’iisul wasaaraha dalka ku taagerayaan hanaanka uu u wado hirgelinta doorashada dalka ka dhaceyso.

Bayaanka ka soo baxay musharixiinta xilka madaxweynanimada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyo iyo Abaabul ciidan oo ay wadaan Madaxweynaha Mudda xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdillahi Farmaa iyo Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Midawga ayaana ugu baaqay in mas’uuliyadda ka dhalataa abaabulka ciidan uu qaadi doono Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalka Midawga Musharixiinta