U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Saaka Ka Taagan Deegaan Ka Tirsan Gobalka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Xiisad dagaal iyo hub urursi u dhexeeya laba beelood ayaa saaka ka aloosan degaanka Xananbuurre oo ka tirsan Gobolka Galgaduud halkaas oo labada beelood shalay dagaal xooggan ku dhexmaray.

Dagaalka shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Xananbuuro, xilli dhaqdhaqaaqyo xooggan ay ka socdaan deegaanka.

Ciidamada dowlad gobaleedka galmudug ayaana weli ku bixin dagaalka, iyadoo ciidamada siada gaarka ah u tababar ee Gorgor oo ku sugan banaanka deeganka Xananbuure loo diiday in ay dagaalka kala dhex galaan, kadib markii mid ka mid ah beela ay ka biya diiday in ciidamada ay xiisadda damiyaan.

Maamulka galmudug iyo Odoyaasha dhaqanka beelaha ayaa dhankooda bilaabay waanwaan ciidamada labada dhinac lagu kala qaadayo, iyadoo aanan weli dhaqan galin middaas.

Dagaalkaan ayaa muddooyinkii u dambeyay deegaanka ku soo noqnoqonayay iyadoo ay

Goobjoog News