U bood dhigaalka

Dad Muufo Loogu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan laba qof ayaa naftooda kuwaayay kadib is rasaasayn xalay ka dhalatay muran muufo-cunis ah oo ka dhacdey maqaayad ku taalla isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Yuusuf Dabayare oo ah milkiilaha maqaayadda ayaa Goobjoog News usheegay in dablay ay rasaas huwiyeen Hawlwadeenada maqaayadda kadib markii saaxiibadood ay cuneen cunto ay kamid tahay muufo oo maqaayaddan lagu yaqaano .
” Xalay meshaan waxaa ay wax uga dhaceen, todobo qof oo gabdho iyo wiilal isugu jira ayaa maqaayada ka casheeyay, markii ay casheeyeen ayey wada baxeen iyagoon lacag bixin” ayuu yiri milkiilaha

Mr Dabayare oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in gacan kahadal uu dhacay ka hor inta aysan ciidamada toogashada geystay goobta soo gaarin “wiil cashier ahaa aya kadaba tagay todobadii qof ee maqayada ka casheeyay, waxa uuna weydiiyay in ay lacagta keenaan, laakiin feer ayay ugu jawabeen, kadibna qoray ayey dalbadeen, taas oo keentay in meesha laga kala cararo”

Dad goobjoogayaal ah ayaa usheegay GOOBJOOG NEWS in marka ay goobta soo gagreen dablayda hubaysan uu dagaal dhaxmaray iyaga iyo Ciidamada Amniga “iyada oo dadka ganacsigooda isaga jiraan gadiidkuna wadada isticmalayeen aya waxa dhacay dagaalka, markiii uu dagaalku dhamaaday kadib oo meelaha aan fiirfiirinay ayaa aragnay saddax qof oo dhaawac ah, saakana waxaan argnay laba meed ah”