U bood dhigaalka

Lafta-gareen Oo Maamul Cusub U Magacaabay G. Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casii Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilka qaadis ku sameeyay maamulka gobalka Shabeelada Hoose.
Laftagareen ayaa xilka ka qaaday Cabdiqaadir Nuur Siidii oo ahaa guddoomiyihii gobalka Shabeelaha Hoose, isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Cabdiraxiim Nuur.
Cabdi casii Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa sidoo kale xilka ka qaaday gudoomiye ku-xigeenkii gobalka ee Amniga iyo siyaasadda.
Wareegto ka soo baxay xafiiska Lafta gareen ayaan mas’uulkaan xilka loogu magacabaay, iyasoo badalaya Cabdiqaadir Nuur Siidii.
Goobjoog News