U bood dhigaalka

Maryan Faarax Kadiye Oo Kusoo Baxday Kursiga 8aad ee Aqalka Sare Kumatalidoona Jubaland

Maryan Faarax Kadiye ayaa loo doortay xubin ka mid ah Aqalka sare ee laga soo doortay Jubbaland, iyadoo heshay 50 cod waxayna kusoo baxday kursiga 8aad ee aqalka sare baarlamanka 11aad ku matalaya Jubaland.

Samsam Maxamed Bishaar oo kula tartantay kursigan ayaa iyana heshay 22 cod.

Doorashada sideeda kursi ee Aqalka Sare kumatali doona Jubaland ayaa maanta lagusoo gaban gabeeyay Kismaayo, waana maamulkii shanaad ee sidaa sameeya marka lagu daro Doorashadii Aqalka Sare ee Goblada Waqooyi.

 

GOOBJOOG NEWS.