U bood dhigaalka

Puntland: Dadka da’ada ah, Haweenka Iyo Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qabo Oo Saaka U Dareeray Goobaha Codbixinta

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka degmooyinka Ayl, Ufeeyn iyo qardho looga dareeray bixinta codadka doorashada qof iyo codka ah ee Puntland.

Degmooyinkan oo doorashada sida horudhaca ah looga qabanayo ayaa dad weynuhu waxa ay saaka u soo wada baxeen goobaha codbixinta iyaga oo codadkooda ugu shubaya wakiilada xisbiyada Puntland.

Haweenka, dadka da’da ah iyo dadka baahiyaha gaarka ah qabo ayaa lagu arkayaa goobaha codbixinta ee seddaxda degmo.

Dadka saaka codadkooda dhiibtay ayaa waxaa ka mid ah dad da’doodu ay kor u dhaaftay 50 sano, sidoo kale dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa qeyb ka ah dadka saaka u soo jarmaaday in ay codadkooda dhiibtaan.

Wararka magaalada Qardho ka imaanaya ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada booliiska ee ilaalada ka haya goobaha codbixinta in ay gurmad u fidiyeen hooyo la sheegay in ay uur laheyd oo gobta codbixinta xanuun uu ku qabtay.