U bood dhigaalka

Rooble Oo Soo Dhaweeyay Doorashada Ka Socota Puntland

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka ee ka socda Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble, ayaa lagu sheegay in ay tahay mid ku dayasho leh doorashada Puntland laga bilaabay maanta.

“Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sikasta 46,839 codbixiyayaal ah ayaa  diiwaangeliyey, halka kaararka la bixiyey ay gaareen 37,578, magaalooyinkana waxaa ugu dad badan Qardho oo la diiwaangeliyey 25,405 iyo kaararka la qeybiyey 20,620, Ufeyn sidoo kale dadka la diiwaangeliyey waa 9,964 kaararka la qeybiyana 8,287 halka Eyl la diiwaangeliyey 11,470 kaararka la qeybiyana waa 8,671.

Xogaha kale ee ku saabsan doorashada waxaa ka mid ah in ay tartamayaan sideed urur siyaasadee, 499 musharax oo u tarmaya kuraas gaaraya 87 kursi oo golaha deegaanka ah oo kala yaalla  33 kursi oo Qardho ah, Eyl 27 iyo Ufaweyn 27 kale.

Goobjoog News