U bood dhigaalka

TPLF Oo Beenisay In La Weeraray Saldhig Ciidamadoodu Ay Ku Sugnaayeen

Sheeko:Amniga

Ciidamada cirka dowladda Itoobiya ayaa markale duqeymo ka fuliyay gobalka dhaca waqooyiga dalkaas ee Tigrayga.

Duqeymaha ayaa qeyb ka mid ah waxa ay ku dhaceen xarun taliska ciidamda TDF ay ku leeyihii agagaarka Make’le halka kuwa kale ay bur buriyeen gudaha caasimadda sida ay sheegteen xukuumadda abiya.

Dhanka kale TPLF ayaa beenisay in ciidamada cirka ee Itoobiya ay garaaceen bartilmaameedyo milatari oo ku yaal Tigray Axaddii, waxayna taas beddelkeeda sheegtay in weerarrada lagu bartilmaameedsaday isbitaal iyo warshadda dharka.

“Ciidanka Cirka ee Abiy Axmed waxay beegsadeen isbitaalka May Tsebri,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Twitterka ee afhayeenka TPLF Getachew Reda .

Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa todobaadkii la soo dhaafay toddoba weerar oo cirka ah ku qaaday Tigray, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saddex carruur ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah ee ka dhacay gobalka.

Xukuumadda Abiy  oo wajaheysa eedeymo dambiyo dagaal  ayaa dhowaan sare u qaaday duqeymaha cirka ee caasimadda Tigreega ee Mekelle ka dib markii uu dagaalku ka qarxay gobolka deriska la ah ee Amxaarada halkaas oo kooxda TPLF ay ka qabsatay dhul fara badan.

Kooxda TPLF ayaa siyaasadda Itoobiya gacanta ku haysay muddo tobanaan sano ah oo ah kooxda ugu awoodda badan isbahaysiga qowmiyadaha kala duwan, laakiin xisbiga ayaa isku dhacay xukuumadda Abiy kadib markii uu xukunka qabtay 2018.

Abiy ayaa soo diray ciidamo ka tirsan dowladda dhexe kuwaas oo TPLF ka saaray Mekelle dabayaaqadii sanadkii hore. Laakiin xoogaga isbahaysiga u ah kooxda TPLF ayaa sanadkan qaaday weerar rogaal celis ah, waxayna dib u qabsadeen Mekelle iyo ku dhawaad dhamaan Tigray, waxayna qabsadeen dhulkii Amxaarada.

Goobjoog News