U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Fariisimo Ciidamada Dowladda Ku Leeyihiin Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaciyay in ay iska caabiyeen al-shabaabki weerarka ku soo qaaday fariisimaha ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Afgooye.

Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay magaalada, wararka qaar ayaana sheegaya in seddax qof ay ku dhinteen dagaalka oo xalay saqdii dhexe dhacay.

Al-shabaab ayaa tiro dhowr jeer oo horay fariisimaha ciidamada dowladda ee shabeellooyinka weeraro noocaan oo kale ah ku qaaday.

Goobjoog News