U bood dhigaalka

Deni: “Farmaajo In Aanu Doorashada Puntland Hambalyeyn Waxay Ka Dhigan Tahay In Aanu Soomaaliya La Rabin Doorasho Toos Ah

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa ururada siyaasadeed ee Puntland ugu baaqay in ay isku diyaariyaan doorashooyinka kale ee lagu wado in degmooyinka Puntland ay ka dhacaan.

Hadalkaan ayuu deni ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay kadib markii la soo gabagabeeyay doorashooyinka sida horudhaca ah looga qabanayay degmooyinka Eyl, Ufayn iyo Qardho.

“Ururrada waxaan u sheegayaa in saddex degmo oo keliya ay doorashadan tahay oo ay baaqi tahay 47 degmo , fursadda weli waa jirtaa, dhulkana waa lagu kala galaangal badan yahay ha is dhiganina ayaan leeyahay ururrada”, ayuu yiri madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullahi Deni.
Deni ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan marnaba diyaar u noqon dalka in uu geliyo doorasho qof iyo cod ah.
“Farmaajo in aanu doorashada Puntland hambalyeyn waxay ka dhigan tahay in aanu Soomaaliya la rabin doorasho toos ah, isaga oo bogaadiya waxyaabo aad u yaryar” ayuu markale yiri madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullahi Deni.
Goobjoog News