U bood dhigaalka

Kenya oo Labo Diyaarad oo ay Lahaayeen Ciidamada Cirka Soomaaliya Ku iibineysa Keliya $1,400!

Sheeko:Amniga
Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay xaraashka diyaarado hawlgab ah, oo iib lagu raadinayo, waxaa ku jira labo diyaarad oo ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya iyo labo kale oo ay laheyd Jubba Airways.
Hey’adda socdaalka Kenya ayaa sheegtay iney November 17, 2021-ka xaraashi doonto diyaarado aan la isticmaalin oo muddo iska dhex yaallay garoomada dalkeeda sida Jomo Kenyatta International Airport, Moi International Airport, Lokichoggio Airport iyo Wilson Airport.
Diyaaradaha la xaraashayo waxaa ka mid ah labo diyaarad oo ay lahaayeen ciidamada circa ee Soomaaliya, diyaaradahan oo ku diiwaangeshan 3C-ZZA iyo 8204, labaduba waa nooca AN24, waxyna iska dhex yaaleen Jomo Kenyatta International Airport (JKIA), Labadan diyaarad oo kuwa Ruushka ah ma jirin cid ama dayactirto ama soo qaada.
Sida lagu qoray qarashka lagu doonayo mid weliba waa for KShs. 73,000 oo u dhiganta $730, waxaa xusid mudan in diyaaradaha la iibinayo ay ku jiraan labo ay leedahay shirkadda Jubba Airways EY-534 iyo5Y-BXZ, oo middiiba lagu doonayo $4,006.
Goobjoog News.