U bood dhigaalka

Diblomaansiyiinta Reer Galbeedka Oo Saaka Isaga Baxaya Itoobiya

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka garoonka diyaaradaha magaalada Addis ababa ku sugan dhamaan Ajaanibta iyo diblomaansiyiinta dowladaha reer galbeedka ee ka howl galayay dalka Itoobiya kuwaas oo lagu Amray in ay isaga baxaan dalka.

Safaaradaha dalalka yurub ee fadhigoodu yahay Itoobiya ayaa horay muwaadiniintooda ugu baaqay in ay isaga baxaan Dalka kadib markii ay adkaatay xaaladda Itoobiya.

Ciidamada Tigrayga ee dagaalka kula jiro kuwa Itoobiya ayaa dhankooda waxa ay kaabiga ku soo hayaan magaalada Addis ababa oo ay sheegen in dhawaan la wareegi doonaan.

Muwaadiniinta Ajaanibta ah ee ku sugan caasimadda Itoobiya ayaa saaka indhuhu qabanayeen iyagoo ku sii qul qulaya madaarka caalamiga ah ee diyaaradaha oo ay ka dhoofayaan.