U bood dhigaalka

Qarax Khasaaro Geeystay Oo Ka Dhacay Baardheere

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in waaberigii hore ee saaka uu qarax xooggan ka dhacay xarun ciidamada dowladda ay ku leeyihiin magaalada.

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay gudaha xarun tababar ah oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.

Inta la xaqiijiyay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay qaraxa halka tiro intaa ka badan uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Illa iyo hadda macadda sida qaraxa loogu keydiyay xarun lagu tababaro ciidamada dowladda, maamulka Baardheere iyo kan gobalka Gedo ayaan dhankooda weli ka hadlin qaraxa saaka ka dhacay magaalada.

Goobjoog News