U bood dhigaalka

“Xildhibaan Zakariye Ma mudna magdhow ee waxaa uu mudan yahay Ciqaab” Ku Xigeenkii NISA

Sheeko:Amniga

Taliye ku-xigeenka hore NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay in Drones-ka uu lahaa xildhibaan Zakariye Maxamuud ee ay dowladda la wareegtay ay ahaayeen qaar khatar ku ah amniga dalka, isla markaana aaney aheyn in loo celiyo taa badalkeedana ay tahayba in xildhibaanka la ciqaabo.

Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Drones-ka uu keenay xildhibaan Zakaiye ma aha kuwa loo istcmaali karo horumrin, marka loo fiiriyo technolgy ahaan iyo qalabka ku xiramba, ma mudna magdhow ee waxaa uu mudan yahay ciqaab”.

Taliye ku-xigeenka hore NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan  oo sii hadalaya ayaa waxaa uu yiri “Drones-ka uu keenay waa qaar khatar ku ah amniga guud ee dalka, maadaama aan la aqoon cidda loo keenay, Ciraqqa waxaa qaraxyo loo adeegsaday kuwa la mid ah kuwa uu keenay xildhibaan Zakariye”.

“Diyaaradahaan waa kuwa loogu talagalay Ayax in lagu buufiyo, cayaayaanka kala kalana lagu buufiyo dhulal balaaran bey markiiba buufin karaan dalkuna beera waaweyn buu leeyahay, waxeey kaloo ka qeyb qaataan wax la yiraahdo Land-use oo macnaheedu yahay sahanka dhulka”.

Xildhibaan Zakariye ayaa hoay Goobjoog News wareysi siiyey ayaa sheegay inuu isaga leeyahey Drones-ka uuna u isticmaali rabo waraabka beero ku yaala Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaa uu ku dooday in uu u adeegsanayo sahmin dhulka buuraleyda iyo buufinta Ayaxa.

Zakariye oo sharaxaya waxa ku dhaliyey “Fikraddan waxaa ay igu dhalatay markii Ayaxa dalku qabsaday, xilligii dhoweyd oo aniga iyo wasiirka Beeraha ayaa sahan dalka ku marnay waxeyna nagu noqotay dhibaato, Haamahaan qofka dhabarka uu ku qaato 100 mitir ama 200 mitir kabadan qofku maku buufin karo, Diyaaradaa wasiirku dalbay FAO iyoWFP baa nacaawinayay laba diyaaradood baa Canada laga keenay bil iyo bar kabacdi goor bahalku dhameystay geedihii”.

Xildhibaan Zakariye oo sii hadlaya”Maadama ani shaqadeydu ay tahay beeraha dadku inta badan siyaasadeey igu arkaan inta badal laakiin waxaan ka shaqeeya beeraha, beeraleeyna waan ahay dowladdii markii ay dhaceysanayna illa lix xafiis baan ku lahaa Balcad, Afgooye, Jowhar, Qoryooley iyo Xamar marka diyaaraduhu waa diyaaradahaas wax buufiya howl rayid kaliyaana lagu qaban karaa, waxaan ka soo gaday dalka Turkiga waxeyna leeyihiin shahaado ay bixisay wasaaradda gadiidka dalka Turkiga u qaabilsan oo cadeynaya in diyaaradahaan ay yihiin diyaarado shacab”.

Sida lagu qabtay waxaa uu ka yiri “Cargo ayey ku timid waxaa la dhigay alaabta maqaasinka la dhigo waxyaalaha cargo ah ee ay leedahay laanta canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda,  subaxdi dambe tagnay waala furay waala fiiriyay canshuurti baa naloo qoray, annagoo canshuurti bixin rabna ayaa niman dhar cad ah oo yiri NISA nahay noo yimid nagu yiri xafiis meeshaan ah aa la idinka rabaa,  baabuur baa nalagu qaaday alaabtiina baabur baa lagu qaaday godka jilacoow dalaq, maalin iyo bar baan fadhinay halkaa Habeenkii saacad dambe markey aheyd oo aan meesha ku jactadnanay nimankana niman waaweyn oo qaar xanuunsanaya ku jiray waxeey noo sheegeen in aan waxba nalagu heysan,  laakiin caawa ay geeynayaan meel martida lagu soo dhaweeyo oo ay NISA leedahay, nimankii seddaxda ahaa ee Turkiga u dhashay adu xildhibaan baa tahay kuma rabney yiraahdeen, Nimanki waa diiden anagu meel aan aadeyno ma lahan bey yiraahdeen Hotelka Decale baan deganahay lacagteenna ku taganahay nagu celiya hotelkii hadeynan dambi noo heysan haddaad noo heysataanna warqad maxkamad ah nookena, arinti markey cakirantay ayaan safiirka Turkiga la hadalnay safiirka Turkiga baa na soo dhex galay warma dambi baa ku heystaan waa maya iska siidaaya sidii baana lagu sii daaye nimankii”.

Arrinta Drones-ka ayaa weli taagan, iyada oo Zakariye oo gacan ka helaya rugta ganacsiga ay dalbanayaan in alaabta la sii daayo, halka hey’adaha iyo khubarada amniga ka shaqeeya ay ka digayaan.

Goobjoog News