U bood dhigaalka

Rooble Oo Maamulada Dalka Faray Dardargelinta Doorashada

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shir guddoomiyay kulan dhanka fogaan aragga ah ku dhex maray madaxda wadatashiga qaran.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Rooble ayaa faray madaxda dowlad gobaleedyada dalka in ay dardargeliyaan howlaha doorashooyinka golaha shacabka.

Goobjoog News