U bood dhigaalka

Qoor-Qoor: Shanta Kursi Ee Ugu Horeyso Golaha Shacabka Ayaa La Shaacinayaa

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa sheegay in maanta oo khamiis ah lagu wado in la shaaciyo liiska shanta kursi ee ugu horeyso golaha shacabka ay galmudug ku leedahay.

Qoor-Qoor ayaa hadalkaan ka yiri kulan soo dhaweyn ah oo maamulka Galmudug xalay magaalada Dhuusa-mareeb ugu qabta Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5ta xubnood ee ugu horreysa doorashada aqalka hoose,” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale ugu baaqay in guddiga hergelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Galmudug ay dardargeliyaan doorashada Golaha shacabka.

“Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS,” ayuu yiri Qoor-Qoor.

Sikastaba hadalka Qoor Qoor ayaa imanaya xilli Maalin ay ka soo wareegatay waqtigi loogu talagalay in ay dhamaan dalka ka bilaabmaan doorashooyinka golaha Shacabka.

Goobjoog News

.