U bood dhigaalka

Rooble: Aniga Nafteyda Qatiyaan Ayaan Taaganahay, Waxaan Taaganahay Allow Kasoo Saar

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa sheegay inuu quus ka joogo sida ay maamul goboleedyada ugu dheggan yihiin doorashada golaha shacabka.

Rooble oo ka hadlayey xaflad ka dhacday caasimadda Dhuusamareeb, ayaa warkan sheegay kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor uu dhawaaqay inuu qabanayo 5 kursi oo golaha shacabka, taasi oo keentay in ra’isul wasaare Rooble uu ugu baaqo maamul goboleedyada kale iney ku deydaan Qoorqoor isaga oo yiri “Aniga Nafteyda Qadiyaan Ayaan Taaganahay, Waxaan Taaganahay Allow Kasoo Saar”.

Dhankiisa, Madaxweyne Qoorqoor ayaa mar sii horeysay waxaa uu yiri “Aniga oo ku hadlaya magaceyga dowladda Galmudug waxaan diyaar u nahay in maalinta berri ah guda gali doono 5ta xubnood ee ugu horreysa doorashada aqalka shacabka ee BFS”.

Goobjoog News