U bood dhigaalka

Cabdi casiis Afrika Oo Muqdisho Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Allaah u naxariisto waxaa goordhaw dhaawac ka soo garay qarax ka dhacay Muwdisho u geeriyooday Wariye Cabdi casiis Maxamuud Guuled Afrika.

Cabdi casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha Radio Muqdisho ayaa gaari uu la socday qarax lagula eegtay agagaarka taalada Daljirka Dahsoon.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa dhaawac ka soo gaaray agaasimihii Talefishinka qaranka Sharmaarke oo isna la socday wariye Afrika.

Afrika ayaa ka mid ah wariyayaasha muddada dheer ka soo shaqeynayay saxaafadda dalka.