U bood dhigaalka

Xaaladda Gobollada: Abaarta Ku Dheeraatay Soomaaliya oo Keentay Dhimasho iyo Barakac

Roob la’aan dhacday afarta xilli ee lasoo dhaafay ayaa sababtay in Soomaaliya ay ka dhacdo abaar dheraatay, noqotana tii ugu darneyd muddo sanado ah iyada oo dowladda federaalka ah iyo hey’adaha caalamiga ah ay khamiistii sheegeen in malaayiin Soomaali ah ay macluul joogaan halka 71% oo ka tirsan dadkeeda ay joogaan heer ka hooseeya xariiqda faqriga, dowladda iyo beesha caalamkana waxaa ay dalbadeen wax ka qabasho degdeg ah.

Goobjoog News ayaa baaris ku sameysay xaaladda abaarta deegaannada kala duwan ee dalka iyada oo weriyeyaasheena kala jooga maamul goboleedyada ay soo sheegayaan xaalado argagax leh, oo laga deyriyo.

Jubbaland:  Ugu yaraan afar qof ayaa baahi iyo gaajo ugu dhimatay halka qaar kale ay is-dileen kadib markii ay xoolaha ka dhamaadeen deegaannada ka tirsan gobolka Gedo.

Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Luuq Axmed Kadiye ilaa saddex caruur ah ayaa gaajo ugu dhimatay degmadaas halka qoysas badan ay miyiga kasoo barakaceen isaga oo hey’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ugu baaqay in ay gargaar lasoo gaaraan.

Gobolka Gedo, meelaha aadka looga deyrinayo xaalad daranna ka jirto waxaa ka mid ah Golweyn, Yurkud iyo deegaanno kale oo u dhaxeeya Luuq iyo Garbahaarey.

Koonfur Galbeed:  Weriyaha Goobjoog News ee Koonfur galbeed waxaa uu soo sheegayaa in barakac ba’an uu ka jiro deegaannada Ceel-barde, Waajid iyo Xudur oo Bakool ah halka Bay ay saameynta biyo iyo cunto la’aanta abaarta waxyeeleysay dadka deggan Qansaxdheere iyo Diinsoor.

Koonfur galbeed waxaa ka socdo barakac iyada oo dad badan ay soo gaareen caasimadda Muqdisho oo daris la ah maamulkaasi.

Hirshabelle: Hirshabelle ayaa sidoo kale waxay weriyeyaasheenu sheegayaan in kuleylka jiro, dhirtii oo baaba’day iyo biyo la’aan ka dhalatay roobka la waayey darteed ay dadkii xoolo dhaqatada ahaa waayeen caano ama xataa hilibkii ay suuqyada keeni jireen, taasina ay sababtay iney magaalooyinka soo galaan oo kaamam sameysmaan, keliya ma aha xoolo dhaqatada ee waxaa sidoo kale dhibaato la mid ah heysataa beeraleyda iyo xataa dadkii magaalooyinka deganaa oo miyiga ku tiirsanaa.

Galmudug: Dagaallada ka dhacay bilihii lasoo dhaafay deegaanno ka tirsan Galmudug sida ciidamada xoogga dalka iyo Al-shabaab oo ku dagaalay Mudug iyo dowladda labadeeda heer iyo Ahlu sunna oo isku qabtay Galgaduud ayaa uga daray xaaladda abaarta ee ka jirtay halkaasi, UN-ka waxaa qoraal rasmi ah ku sheegay in 100,000 ka baxarakeen Guriceel.

Puntland: Barakac xooggan ayaa ka socda deegaanno ka tirsan Mudug iyo Nugaal, wararka ayaa intaa ku daraya in abaarta ay aad u saameysay dadka kunool Burtinle iyo hareeraheeda.

Weriyeyaasha Goobjoog News ayaa sheegaya in dadka qaar ay u barakaceen dhanka gobolka Bari, dhibka ugu badan waxaa uu heystaa xoolo dhaqatada iyo noolaha kale oo biyo la’aan heysto.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay qiyaas ahaan sheegtay in ay cunno u baahan doonaan dad gaaraya ilaa 7.7 million horraanta sanadka soo socda, iyada sidoo kale shaacisay in hadda 20% ama 2.3 Milyan oo ku nool 57 ka mid ah 74 degmo oo  Soomaali ah ayaa waxaa heyso biyo iyo cunno yari ba’an.

W/D: Cabdicaziz Gurbiye.